Waxa Bilaabmay Dhaqdhaqaaq Midnimo Doon Oo Si Weyn U Cabsi Geliyey Maamulka Somaliland



Image result for maxamed baashe xaaji xasan





Waxaa bilaabmay Dhaqdhaqaaq Balaadhan oo midnimo doon ah, kaasoo siweyn u cabsi geliyey nidaamka maamul ee ka jira Somaliland.Akhri maqaalkan oo la wadaag axsaabtaada , fadlan.
Ururka 'Mar Kale Midnimo' ee Somaliland ee aannu doonaynaa in aannu diiwaangelinno, haddii na laga yeelo iyo hsddii kake ba, waxa uu u taagan yahay laba arrimood oo hawl-galkoodu si talantaalli ah isu baal socon doonaan, kala na ah:



1. Wadajirka iyo midnimada bulshada Somaliland, iyada oo la soo noolaynayo ahaanshihii Reer Waqooyi iyo is ahaantii Reer Waqooyinnimo dareen ahaan ee shalay xilligii dagaallada iyo maanta (29 sano ee u dambeeyey) maamul xumada iyo caddaalad darradu inaga lumiyeen.



2. Ka shaqaynta isu soo dhoweynta bulshooyinka walaalaha ah ee Waqooyi iyo Koonfur, si looga wada hadlo qiimaynta hadimooyinkii dhacay iyo halista maanta lagu jiro, si looga arrinsan karo, sidii loogu heshiin lahaa wax la wada yeesho oo macne iyo waxtar leh.



Ururka "Mar Kale Midnimo" ee Somaliland, haddii la oggolaado in uu Hargeysa iska diiwaangeliyo iyo haddii laga diidaba, waxa uu ka shaqayn doonaa arrimahaas masiiriga ah ee waaweyn, isaga oo aqoonsan in labada dhinac ba, Waqooyi iyo Koonfur, aan lagu sii socon karin sidan 30-kii sano ee u dambeeyey la ahaa, maanta na lagu sugan yahay.



Si kasta oo la isu dhaamo meelaha qaar, sida amniga Somaliland ka hanaqaaday, ama sida dib u yagleelka hay'adaha dawladeed ee DFS ee laabta la soo kacaya, haddana waxa muuqata, in labada dhinac ba, uu ka jiro fashil hoggaamineed oo aan indhaha laga qarsan karin.

Somaliland waxa ay hoggaamin xumaantu ku keentay kala daadasho ku timaadda wadajirkii iyo midnimadii bulshada, iyo kalsooni darro baahsan oo bulshada dhexdaada ah iyo tii lagu qabi lahaa dawladnimada oo dhimatay.



Sidaas si la mid ah, waxa Soomaaliya hoggaaminta liidataa ku keentay kala dhantaalankii midnimada bulshada ku yimi oo la dabbaali kari waayey iyo wada shaqayntii xukuumadda dhexe iyo maamul goboleedyada oo ku dhacday dalluun dheer oo dhimatay.



Marka la eego sida wax u yaalliin iyo is beddellada waaweyn ee Geeska ka socda, waxa soo baxaysa in la gaadhey xilligii la heli lahaa dad badheedhe cad iyo qorshe degsan yeesha oo horseeda aragti cusub iyo hawl-gallo jid cusub laangoynaya ama jeexaya, kana shaqaynaya raadin midnimo ka duwan tii lagu fashilmay 1960, markii dambena keentay burburka iyo is waaga maanta 30-ka sano laga soo kaban la' yahay.



Marayaaddii qalbiga ee bulshada Soomaaliyeed ee burburtay la ma kabkabi karo, wax se loo samayn karaa muraayad cusub, waa na la kari karaa.



Wada hadal, is afgarad, heshiis iyo wax wada lahaansho oo dhab ah oo macne iyo waxtar lihi waa u dan labada dhinac, waxa na lagaga bixi karaa degganaan la'aanta iyo dibudhacyadaa siyaaso-bulsheed ee shin dhaafka ah, labada dhinac ba.



Damqashadaas weeye ta ururka"Mar Kale Midnimo" Somaliland dabada ka riixaysaa.



Arrinta diiwaangelinta marka laga faraxasho ee ama la oggolaado ama la diido, ayaa ururka "Mar Kale midnimo" bulshada u soo bandhigi doonaa, haddii AI, aragtidiisa, hawl-galkiisa iyo ujeeddooyinkiisa oo faahfaahsan.



"Gudini daab la'aantii
Miyay dogobbo goysaa
Diric keli ahaantii
Daleel guusha kama helo
Dadkaa geesi lagu yahay".
Cali Sugulle (Dun-,carbeed).

Mahad Badan.

Maxamed Baashe Xaaji Xasan
Xidhiidhiyaha ururka 'Mar Kale Midnimo" ee Somaliland.


Comments

Popular posts from this blog

Foreign Ministry Spokesperson Mao Ning’s

Aid slow to arrive for people in northern Somalia fleeing Las Anod fighting

Mr. Whizbi You Should Apologize , Sir..!