Posts

Showing posts from February, 2020

Waxa Bilaabmay Dhaqdhaqaaq Midnimo Doon Oo Si Weyn U Cabsi Geliyey Maamulka Somaliland

Image
Waxaa bilaabmay Dhaqdhaqaaq Balaadhan oo midnimo doon ah, kaasoo siweyn u cabsi geliyey nidaamka maamul ee ka jira Somaliland.Akhri maqaalkan oo la wadaag axsaabtaada , fadlan. Ururka 'Mar Kale Midnimo' ee Somaliland ee aannu doonaynaa in aannu diiwaangelinno, haddii na laga yeelo iyo hsddii kake ba, waxa uu u taagan yahay laba arrimood oo hawl-galkoodu si talantaalli ah isu baal socon doonaan, kala na ah: 1. Wadajirka iyo midnimada bulshada Somaliland, iyada oo la soo noolaynayo ahaanshihii Reer Waqooyi iyo is ahaantii Reer Waqooyinnimo dareen ahaan ee shalay xilligii dagaallada iyo maanta (29 sano ee u dambeeyey) maamul xumada iyo caddaalad darradu inaga lumiyeen. 2. Ka shaqaynta isu soo dhoweynta bulshooyinka walaalaha ah ee Waqooyi iyo Koonfur, si looga wada hadlo qiimaynta hadimooyinkii dhacay iyo halista maanta lagu jiro, si looga arrinsan karo, sidii loogu heshiin lahaa wax la wada yeesho oo macne iyo waxtar leh. Ururka "Mar