HAMBALYO KACAANKA 13 NOVEMBER .....HORAA LOO SOCONAYAA ...XAGEE DEE

Somaliland waa sanad Guuradii labaad ee kacaanka 13 November ee gashanaa shaadhka doorashada kasoo uu ku bilaabmay kacaanku isagoo isagu isla sheekaysanaya  "paranoid " adigu cid kale aan dhageysan kadib markuu ka dhaadhiciyey waxogaa caws iyo biyo ku nool ah oon weligood Hargeysa dhinacna u dhaafin waxaan soo xidhayaa xuduudka Somaliland January 2018 isagoo laba bilood oo wax la'a hayey talada dalka ayuu kacaanku ku duulay tuulo yar oo la yidhaah TukaRaq oo badhtamaha Somaliland ku taal ooy weligood ay Puntland jogeen mudo kadib Kacaanku wuxuu arkay inuu isla sheekaysanyo isagu " Paranoid " sidaasu xasaradii ku joojiyey Puntland na ama  beelwynta dhulbahante ee dhulka lahaydna weli meeshoodii ayey ku sugan yihiin xuduud xidhidna adaa sheegaya xuduudku wuxuu marayaa Burco dusheeda ........

Kacaanka aan la mahadini laba sano kadib isgoo isla sheekeysanaya markale ayuu ansaxiyey Jaallle RiyoRaac iyo Marwo Kaltuun oo labaduba inay Kominshinka ku jiraan tahay Dastuur jabin maanta waxa la ansaxiyey intii ay Jaalle Muuse Biixi iyo Gudoomiye Salebeen Nuur soo xusheen dee xisbiga Kulmiye isagu doorashada ha iska galo ileen markii horeba meeshu xaawaalad reer leeyahay bay noqotaye .... Wax qabasho la sheego kacaanka 13 November wuxuu qabtay inuu bugaaxay kaabayaashii dimuqraadiyada midi kama noola Saxaafad , barlamaan , Guurti , Maxkamado , Cadaalada arrinka kacaanku wuxuu ka dhamaan waayey Boloodho  Danyar laga qaadayo ...
Hambalyo kacaanka barakaysan hambalyo xawaalada reerka ee  barakaysan..


Comments

Popular posts from this blog

Foreign Ministry Spokesperson Mao Ning’s

Aid slow to arrive for people in northern Somalia fleeing Las Anod fighting

Mr. Whizbi You Should Apologize , Sir..!