Suldaanka Guud hadalkiisu waa miisanaa .......... See Arrini Tahay ?!

Suldaanka Guud حفظه الله ورعاه hadalkiisu waa miisanaa .......... See Arrini Tahay ?!

Heego oo bilowday inay maqaalo soo qorto ay leedahay Gudidada Garxajis ha is casisho yaa oo gudida maxaa Heego ka galay cajiib halkan waxaanu cod dheer  ugu sheegeynaa cidii daneynaysa in Gudida Garxajis  oo uu hogaaminayo AL- Muntasar Bilaah Suldaan Axmed Suldaan Cismaan CaddeGude حفظه الله ورعاه dib loo mubaayeceeyey oo biica cusub dhacday iyakoon dalban Gudidu :


نحن أبناء القومية نُفاخر بكم لجنة قومية جرحجيس ونجدد لكم الولاء والطاعة

Waxaan meel ku aragnay cinwaan la yaab leh oo odhanaya Saladiintii Ciidagale oo kala badhi shirtay kala badha ma Suldaan Adan Faarax . Suldaan Aadan Faarax  waa sida Suldaan Salebaan  Habaar  isagaa Suldaannimada jeebkiisa kala soo baxay  wararka dalandooriga usoo dhacayaa siday sheegayaan Suldaankaa isagu cumaamatay in caadho boodha ahna isku shubay ee Suldaan Aadan Faarax  waxay isku jifo yihiin xaajiyada dhashay Xaaji Muuse Biixi Cabdi oo abti bu ugu toosan yahay....... Jaalle Adan Faarax hawlgalkii ugu horeeyey ee loo diro maha kani shalay dhacay waxa ka horeeyey inuu ku yidhi Xaaji Muuse Biixi Cabdi anaa keenaya  Beelweynta Garxajis hadaan wada keeni waayana anaa keenaya Beelweynta Ciidagale afartii reer Cabdi Ciise  ee Gudoomiye Faysal Cali Waraabe ku sheegi jiray Beelweynta Ciidagale yaahu war bal habaarkaa eega xataa wuu keeni kari waayey Suldaan Aadan Faarax ......

Maalintii dambe ayuu galay Madaxtooyada waxa la socda wiil uu dhalay oo la yidhaah Jaalle Xamse Aadan Faarax laysa Salaan Xaaji Muuse Biixi Cabdi markasuu Suldaan Aadan Faarax Yidhi wiilkan Xamse ah iigu dar magacabista dambe Jaalle Muuse Biixi ayaa yaabay oo ku yidhi waar beelweyntii Ciidagale ayaan kuu diraye ma adiga iyo wiilkaagii ayaa ii  yimid wiilkii waxa looga dhigay Agaasime hadii looga dhigi lahaa Agaasime Madaarka halkii kii Ciidagale laga qaaday wuxuun bay ahaan lahayde waar agaasime ayuun baa laga dhigay Iminkana Suldaan Aadan Faarax ma waxa uu ina leeyahay Agasime ayaan siistay sharaftii iyo cadaaladii reerka .......Yeelkeede.
Suldaanka Guud Suldaan Maxamed Suldaan cabdiqaadir حفظه الله ورعاه nin xanuusanaya oo bestii ahaa oo lasoo jiiday buu ahaa afarta oday ee kalena waxba ma dhaamin afartii reer Cadi Ciise ee macaruufka ahaa kasoo qaad waar wa iyagii.

Suldaanka Guud ee Habaryoonis Suldaan Maxamed Suldaan Xirsi Qani  حفظه الله ورعاه waa nin afgaaban xishood badan degan geesi ah waa nin gacalkii xushmad u haya cadowgana ixtiraam kalmad iyo qawl leh aan dhacdhacin dhacdhacana neceb markaa garta lagu jiro gar yaqaan beelaha dhexdooda heshiisiinta ku xeel dheer lakiin markay danta guud noqoto ee dawlad lays hayo adiguu kugu soo jiifsanayaa oo ku odhanayaa dib u deg haday nabadu ku xidhmayso markaa markuu lahaa Jeneraal Siciid Cawil Caarre حفظه الله ورعاه Suldaanku waa Wasiir hurda oo xukuumada ka tirsan si kaftana waanu fahmaynay wuxuu ujeedo Jeneraalku  waanu ogayn inay  nabadeyntii Suldaanka tahay ee aanu xukuumad shuqul ku lahayn oo anaka tanoo kale Suldaanku Madaxweyne Cabdi Maxamuud Cumar Ina iley ayuu nagu soo yara jiifsaday uu yidhi nabadaa la xidhayaa..

Markii shilkii Jaamac Dubad / Gorgor dhacay ayaanu waxogaa qubaar ah kicinay mudaharaado abaabulnay Jaallle Cabdi Maxamuud Cumar dhawr melood lagaga mudaharaad  oo qurbaha ah waar ninkii ooy hawshu ku xun tahay ayaa Suldaanka u yeedhay  adigu kontarabaan bay eryanayeen Liyu police - ku ayuu yidhi lakiin khalad dhac aynu saxno Suldaanku markaa wuxuu na yidhi wax walba joojiya nabada ayeynu ka shaqayneynaa bal kalayoo ka dhaadhici Boqortooyada Muuse Carre  حفظهم الله ورعاهم oo ugu badnaa dadkii meesha lagu laayey inkastoo waligood ayney ka hadhayn waxooda oo sababaha iminka uu xidhan yahay  Samafale Cabdimalik Sheekh Muuse Coldoon inuu arrinkii hadana faqay oonu ku nidhi dhawr jeer faraha ka qaad hadii aanad  Madaxweyne Cagjar iyo qolada ku xeeran oo Dulmidiid laysla ahaa oo usoo arkay waxba kasoo dhamayn kari waayey ninkii Jaalle Ina Ileyna xidhan yahay.

Waar adigu Suldaan Maxamed Suldaan Xirsi Qani حفظه الله ورعاه ninkii Madaxweyne Cabdi Maxamuud Cumar Ina Iley keen Gashaamo ceelkaa Gashaamo , Gorgor oo degmo laga dhigay iyo dhawr mashruuc oo kale oo mashariic biyo  u badan qalinka ku duug Suldaanka hawraasan nidhi lakiin qoladii Dulmdiid ayaanu iska raacnay ee Absame waxoogaa Oromo ah iyo Amxaara ayaa nagu soo biiray hawluhu sii fiican bay socdeen Jaalle Asad Ida Ja'a wuxuu odhan jiray filimku waa is le'eg yahay  xataa Tireygu hadii usii joogi lahaa way adkaan lahayd inuu Jaalle ina iley dibada usoo bixi lahaa Xuquuqul insaanka awgeed.

 Warkan iyo hawshan baaxda leh waxa na galiyey oon waliba warka qaar aanu dulmaray sida godobta uu Jaalle  Cabdi Maxamuud Cumar ina Iley ka tirsanyey Gudoomiye Cirro  oo ahayd in Dr. Cirro gudoomiyaha barlamaanka Ethiopia waqtigaa iyo Tigreygii ka ashtakeeyey Jaalle Ina Ilay tasuu ka dambeeyey Suldaan Guud Suldaan  Cismaan Suldaan Cali حفظه الله ورعاه ooy Boqortooyada Muuse carre  حفظهم الله  ورعاهم Dhaleen arrinkana doonayey in kor loo qaado lakiin Suldaanka kale ayaa yidhi arrinka hoos u dhiga......Yeelkede.

Suldaan Maxamed Suldaan Xirsi Qani حفظه الله ورعاه  oo ah ninka qiimahaa leh markastana isku daya inuu danta guud ka taliyo oo u markasta fursad siiyo xukuumada si iyadu isku saxdo  Suladaankii ayey xukuumada Hargeysa ka arrimisaa tidhi Jaalle Taaniyow orodoo adoo dirays xidhan Suldaanka aflagadee oo hanjab   laba cisho kadibna Suldaanka isku cumaamaday ee  wiilka Agaasimaha looga dhigay Suladaan Aadan Faarax waar adna abti aflagaado ku miis Suldaanka....Ismulaahi Meeshu waa quus....!

N.B Waxaanu Saladiinta gudida Garxajis iyo Suldaanka Guud ba aanu usoo jeedin lahayn in shirka Habar Jeclo ee 20  September dib loo dhigo  la yidhaah weliba habar Jeclo idinku ku dhawaaqa  dib u dhigista ...........Waayo Beelweynta Habar Jeclo Madax Dhaqameed uma taliyo   Boqor Buurmadow baa is yidhi ismuuji oo wakii dhawr jeer jeelka galay ee aanu Amnesty international iyo Human rights watch uga dacwoonay .......Siyaasi baa u Taliya Beelweynta  Habar Jeclo  Siyaasiyiinta Habar Jeclo na ma ogola  shirkaasi inuu dhaco hadii kale foolxumo ka baaxad wayn kii hore ee loo balansanaa 20 July lagu joojiyey ayaa  kana lagu  joojinayaa ...... Hawlo kale oo shirkaa ka baaxad wayn ayaa beeshan garxajis u yaal .

Comments

Popular posts from this blog

Foreign Ministry Spokesperson Mao Ning’s

Aid slow to arrive for people in northern Somalia fleeing Las Anod fighting

Mr. Whizbi You Should Apologize , Sir..!