Adiguna Marinkii Gaza Noqo Ana Aan Ice Cream Ku Cuno Hargaysa .....Dheeshaa Intee Laga Dheelaa.!




Askariga horjoogaha Heego ,.wuxuu gartay in gobolada bariga laga dhigo marinka Gaza oo kale iyadoo beesha caalamka laga dhaadhicinayo dad dugaag ah iyo argagixiso ayaa ku nool  oo hadaad haya'ad samafal aad tahay ood isku tagtid bariga Somaliland nabadgalyadaadu khatar bay ku jirtaa........... waxa dhacday oonu Documents haynaa hadii loo baahdo aanu dadka la wadaagi doono in Macaali wasiir Sacad Cali Shire markuu ahaa Wasiirka khaarajiga beesha caalamka ka dhaadhiciyey inay Hargeysa iyo Berbera uun  nabad yihiin oon muwadiniinta reer galbeedku dhaafin labadaa magaalo Muwaadin is waydii nabada taal Berbera een Burco ool maxay tahay ?! waar ma waxynu ka yeelaa inaynu QASA noqono ?!  waar xaabada inoo soo gura aynu
meesha diirino ee baryeey ice cream Hargeysa ku cuntaye ........
Iminka habeen walba dood been ah ayey yaryarka ice cream -ka Hargeysa ka dhargay iyo dhawr oday oo dibro dhacsanayaa ku qabtaan Hargeysa  DOODAA oo la yidhaah " WADA HADALADA SOMALIYA IYO SOMALILAND " , waa hadal tiro iyo marin habaabin.......... Safiirkii Sucuudiga waxa soo dirtay Somaliya waxaana ka shaqeeyey Nuseyrigii yaraa ee macaali wasiir Maxamed Cabdilaahi Cumar iyo Raysal wasaare ku xigeen Mahdiga Somaliya Sucuudigu balanqaad hore iyo in Somaliya laysku noqdo ayey wadaan halkan eeg  Duqii Cumar  Carte ahaa kama maqna kaartada..


Warbixin
Kow : Xaalada Siyasadeed ee Somaliya :

1.      Soomaliya waxay arkaysay ama ka socday dhaqdhaqaaq siyaasadeed oo weyn kasoo lagu hirgaliyey guulo siyasadeed ilaa ay suurto gal noqotay inay soo noqotay kalsoonidii uu shacabku ku qabay Xukuumada Soomaliya hada ka jirta tasoo ay daba socdeen shirar dhawr ah oo ay isugu yimadeen dhinacyada kala duwani iyo go’amadii kasoo baxay sida Tubtii loo jeexay nabada ( peace Road map )  waxa xusid gaar ah mudan   shacabka Somaaliyeed , haya’adaha Caalamka iyo cid kastoo daneysa danaha Soomaliya sidii diiraneyd ee ay usoo dhaweyeen .

2.      Waxa Qalinka Ku duugay oo saxeexay Xukuumada Soomaliya , Xukuumada SOMALILAND  , Maamul Goboleedka Puntland  iyo Maleeshiyo Beleed u janjeedha Xukuumada Soomaliya Tariikhdu markay ahayd 26/03/1433 H  tasoo u dhiganta 18/02/2012 miylaadiga Heshiis ay ka mid tahay in la sameeyo Barlamaan Cusub oo leh laba Gole iyo in la sameeyo dastuur cusub oo ogolaanaya nidaamka Federaalka .

3.      Waxyaabaha hor taagan inay xaalada Soomaliya hagaagto :

a.      Kala Qaysanaanta iyo iska hor imaadka xildhibaanda :

Wuu kusoo noqnoqdaa khilaafkani barlamaanka Soomaliya xukuumaduna way ku guul daraystay inay maarayso iyadoo mar walba la safata labada qolo ee is haya mid ahaan kuwa ay raacdo xukuumadu oo ah kuwa tirada yar ee uu hogaaminayo  Gudoomiyaha Barlamaanku , Haya’daha Caalamkuna way ku raceen arinkaa Xukuumada . Xildhibaanadii ka soo horjeeday Gudoomiyaha Barlamaanka ayaa ku guuleystay inay badalaan Gudoomyaha Barlamaanka kun goodiyey inay xil ka xayuubin ku sameyn donaan Madaxweynaha  Jumad Al-Awal 1433 H u dhiganta April 2012 . Tasoo keentay in fadhigii Barlamaanku qabsoomi waayo iyadoo mar walba ay buuxsami wayday tirada kal fadhi ku furmi karaa iyana waxay keentay in Barlamaankii ku fashilo inuu noqdo haya’ad sharci dajin .

b.      Iska Hor imaad u dhaxeeya ninka ka socda UN-ta iyo masuliinta Soomaliya :

Masuliinta Soomaliya ayaa waxay ku eedeynayaan Danjiraha UN-ta ee Somaaliya Qaabilsan inuu isticmaalay awood uuna lahayn isagoo amar siinaya Masuuliinta waaweyn oo Somaali ah  isagoo hadana gargarkii Soomaliya loogu talo galay si shakhsi ah u istimaalay Somaaliyina aanya taa oglayn diidmadana si aada looga dareemay saxada  Soomaliya .

                  Halka eeg hadaad doneyso

8de5543b-811e-44c3-ac9e-cd112a2d8e5f.tif

ae60c932-bd5f-e211-bb8c-002219c0fbbe.tif


Maqaalka Labaad  ( Warbixin ) :

Dhinaca Qabiilooyinka waxa cawday qaba’il aan ku  qancin saamigii la siiyey kuna goodiyey inay kalsoonida xukuumada kala noqon donaan kasoo dhib soo gaadhsiin kara danta qaran ee nabadeynta lakiin Xukuumada waa la ansaxiyey 13/12/2012  si  jilaafoyinka loo digtoonado qaba’ilkana loo raali geliyo wuxuu raysal wasaaruhu dhameys tiray xukuumadii 14/12/2012  isgoo ku dhawaaqay 5 wassirul dawle iyo 20 wasiir ku xigeen tasoo noqonaysa 2 wasiir ku xigeen wasaarad kasta wasaradaha oo ah toban wasaarad kastaana qayb ka mid ah hawshii ay qaadan doonto wasaaradaha laysku daray . Xukumada cusub si diiran ayaa loogu soo dhawayey saaxada Soomaliya , iyadoo boqlaal qofi isugu soo baxeen wadooyinka caasimada  si ay usoo dhaweyaan xukkumada kooban isku soo baxayadaa ay waxay kor u aqadeen dareenka Xukuumada cusub dareenkaa oo aan jirin Xukuunmadihii ka horeeyey .

Talaabo aan ka madhneyn fariin wax ka ool ah xukuumada Somaliland waxay 17/12/2012  sheegtay inay diyaar u tahay in wada hadalo la bilowdo xukumada Soomaliaya si ay usii wado wada hadaladii ay la bilabeen xukuumadii Somaliya ka horeysay kuwasoo hakaday intay Soomaliyi doorashooyinka ku jirtay lana soo afjarayey ku meelgaadhnimadii .

Xukuumada cusub aad baa loogu riyaaqay haday noqoto heer goboleed iyo heer caalami ba waxana mudan in la is kor taago sida diiran ee ay usoo dhaweyeen daneyayaasha reer yurub ee Soomaliya iyagoo ku balan qaaday inay caawin donaan xukuumada cusub sidoo Marykanka ayaa soo dhaweeyey xukuumada cusub tasoo oo uu bogaadiyey  kaliyaha Wasiirka Khaarijiga ee arimaha Siyaasada

Waydun wada ogtihiin Mamnuuc bay ahayd in Somaliya lala hadlo waa kuwii Xukuumada Kulmiye Barlamaanka Somaliland ku yidhi Mamnuuca naga qaada , Barlamaanku waa kii yidhi waanu idinka qaadeynaa lakiin Sedexda Xisbi Qaran waa inay wada hadalada ka qayb galaan is waydii Muwaadin muxuu ku diiday xibiga Kulmiye inay  xisbiyada qaranku ka qaybgalaan wada hadalada ma dhalayska ah ?1!  WAAR WADA HADALO MA JIRIN WAY SHAXAAD TAGEEN ILAA IYO MAANTANA WAA SIDII HEEGO NA WAY SHAXAAD TAGEYSAA GOBOLADA BARIGANA BANDOO IYO MARTIAL LAW BAA LA SAARAY.


Comments

Popular posts from this blog

Foreign Ministry Spokesperson Mao Ning’s

Aid slow to arrive for people in northern Somalia fleeing Las Anod fighting

Mr. Whizbi You Should Apologize , Sir..!