Jaalle Muusow garasho iyo go'aan ba labadii xaajiyadood ee Marwo Amina Weris iyo Macaali wasiir Zamzam Cabdi Aden ayaa ku dhaamay ............ !
Waad ogtihiin dhamaan shirka Kulmiye ee Xaraama
Cunne ee ka dhici doona Boorama 23 February 2019 Insha'a Allah . Markaa waxa
bilaabay inuu nuxnuuxsi siyasadeed sameeyo Macaali wasiir Maxamuud Xaashi Cabdi
oo maqlay sheekada suuqa ee odhaneysa in Xisbigii Kulmiye Gudoomiye maxlal ah
loo cumaamadi doono Kasoo ah Gudoomiye Maxamed Cabdi Dheere kadibna Markuu
Maxlalku dhamaado la caleema saari doono Amiir Cabdicasiis
Maxamed Samaale aka Jaalle Ayaatul Ifka'a
oo ah ninka mus dambeedka ka haga isaga iyo Jaalle Ina Aw Siciid ALSUCUUDKA HARGEYSA beesha
canshuurtii DANYARTA boqortoyada Hargeysa ka sameysatay ......
Yeelkeede si loo gooli baadho hanka ninkaa hashii
adeerkii baadi goobaya ee Macaali Wasiir
Maxamuud Xaashi Cabdi waxa maanta la kiciyey qubaar la yidhaah $ 80.000.000
sideetan Million oo Dollar si loo yidhaah
ma ninka musuqmaasuqaasi ku abtirsado ayaa gudoomiyaha Kulmiye loo dhiibi
karaa.............
Baryahan wararka kasoo baxa gurigii Jaalle Morgan
ku jiri jiray iminkana uu Duqa Muuse Biixi ihi ku jiro waxay sheegayeen in
Xildhibaan Ibraahim Mahdi Bubaa , Macaali Wasiir Duur iyo dhawr nin oo kale oon
magacyadooda kor loogu dhawaaqini inay gurigaa Duqa Muuse Biixi habeenkii u
shaah tagaan .......... Markaa Xildhibaan Ibraahim Mahdi Bubaa isagoo qiiro bes
ah oo leh $ 80. 000.000 sideetan Million oo deyn ah baa ku go'an oo ay ka shaqayn kari la'adahay Dawlada
Qoyska ah ee Jaalle Muuse Biixi ayuu kasoo muuqday shaashadaha TV-yada Caalamka
.
Muwaadin ogow maha uun in Macaali Wasiir Maxamuud
Xaashi Cabdi uun loo jeedo waxa kaloo la doonayaa in CANSHUURTA LAGUGU DALACO
SI LOO YIDHAAH DAYN BAA LA BIXINAYAA ............ WAARYEE RAGOW CANSHUURTAA WAYDIIYA DEE HABAR AWAL IDINKAA
CUNAY DEE ........... ANAKU MAG
LAMA BIXINO HABAR AWAL WAAR BAL KALAYOO AMUURTAN EEGA !
Muwaadin aynu dul
istaagno sidee Dayn kan oo kale dawlada Somaliland ku geli kartaa inta aynu
hawsha gelin mid cindiga ku hay Somaliland maha wadan la ictiraafsan yahay
markaa hay'ad maalgashi , Dawladaha caalamka , banka aduunka ( Somaliya ayuu
waxdayminaya not Somaliland ) iyo
International Monetry Fund ( Somaliya ayuu waxdayminaya maya Somaliland) iyo
qaar kaloo badan wax dayn ah siin mayaan
Somaliland hadii kale sheekadu waxay noqoneysaa ninkii Ogadeen ee af ku dablaha
ka dhex raadinayey Hargeysa ..
Hadii aan
caalamku wax ku daymineyn yaa wax daymiya Dawlada Somaliland cida waxdaymineysaa waa tujaarta ....
Iminka aynu ku
noqono sida Daynka loo galo wasaarad kasta budget loo qoondeeyey ayey leedahay,
hadii ay miisaniydu ay ku filaan waydo
wasaarada haduu doono wasiirkuba
guri ha ka dhisto ee waxay wasardaasi ku noqoneysaa WASAARADA MAALIYADA ooy
Extra waydiisaneysaa wasaarda Maaliyadu
hadayna lacag hayn waxay soo sareysaa Vouchers ama foojar taasi loo isticmaalyo
sidii dawladaha hormaray u isticmalaan BONDS lakiin Voucher kan Somaliland Riba
ma saarna Bonds lakiin riba ayaa saaran ............. Markaa Vouchers wasaarada
Maaliyadu Bixineysaa tujaarta ayaa la siinayaa iyadoo marka wasaarada Maaliyadu Lacagta canshuurta
DANYARTA qabato ay tujaartu forjerka
celin doonto lacagtoodiina la siin doono .............. Waxaanu ognahay oon sir
ahayn reer Hargeysa oo dhami wada og yihiin in tujaar khaas ah oo isku hal beel
ah oo beeshaas Jaalle Muuse Biixi ah uun lagu qori jiray Vouchers ka cid kale
aan dayn dawladu ka qaadan jirin ................. Tusaale ahaan Voucher
shidaal baa lagu siiyey voucher- kaa waxaad ku isticmaali kartaa uun Kaalinta
Shidaalka ee Indha Birta waa waxaan u leeyahay magta ma wada bixino ..
Si kastooy noqoto
Muwaadin miyaad rumeysaneysaa Tujaar reer Somaliland ah ayaa haysa ama ku
dhacda inay $ 80.000.000 sideentan million oo Dollar amaahiso Xukuumada
Somaliland . it's a fantasy ...
Miisanayadu waa $
270.000.000 laba boqol iyo todobaatan Million
oo Dollar ayuu yidhi Amiir Cabdicasiis Maxamed Samaale Macaali Wasiir Samsam Cabdi Aden Baa
xanaaqdoo waxay tidhi miisaniyada waa $ 360.000.000 sedex boqol iyo lixdan Million oo Dollar
Muwaadin sheekadan window dressing baa la yidhaah waa bookkeeping tricks dhalinyarada
meesha ka shaqeysa khiyaalkoodii oo waraaq lagu qoray weeye numbers ka halkaa
ku qoran waxa ku jira canshuur laga filayo islaan tamaadho iibisa oo tii Allah
u iman karto xataa waxa ku jiro islaamaha cusub ee la filayo inay soo
fadhiistaan waxa ku jira deeq laga filayo deeq bixiyayaasha waxa ku jira
xoolaha iibsami dona oo uu Sucuudigu diidi karo .
Marka waxasoo
dhan laga hurgufo Miisaniyada kama badana Miisaniyada Somaliland $
180.000.000 ilaa 150.000.000 inta u
dhaxeysaa Muwaadin hada nala fakir Misaaniyadii runta ahayd haday tahay inta
kor ku xusan sidee loo bixin karaa dayn $ 80.000.000 sideetan Million oo Dollar
ah waxa kaliya ee markaa u furan Somaliland Waa Bankcrupcy chapter 11 ( Chapter
eleven ) ama Chapter 7 ( chapter seven ) iminka dalkii Jaalle Muuse Biixi Cabdi
ma Chapter 11 iyo Chapter 7 buu galiyey , Somaliland waa kacday qolo ayaa odhan
doonta dalalku ma kacaan waar way kacaan oo weliba dal aan la aqoonsan oo nin
iiman la’i sida shirkad uu leeyahay u maamulayo waa kacayaa , Esh Calaa .
Jaalle Muusow
garasho iyo go'aan ba labadii xaajiyadood ee Marwo Amina Weris iyo Macaali wasiir
Zamzam Cabdi Aden ayaa ku dhaamay ............ Goormuu Xildhibaan Ibraahim
Mahdi Bubaa noqday afhayeenka Xisbiga Kumiye ?!
Comments
Post a Comment