JARIIDADA "AFRICA INTELLIGENCE " BAA TIDHI " Indirect clash between Musa Bihi Abdi and Farmajo in Nairobi " Food isdar dadban ..Gig

Bal aynu eegno Jaalle Prof. Axmed Ismaciil Samatar oo waxoogaa ku nuuxnuuxsaday  hab maamulka duqa Jaalle Muuse Biixi inta kale yeelkeede kalmad uu kor u qaaday ayaa jirtay  kalmadaas oo ah Public Relation ( PR )  kuray xooglayaasha qurbajooga ah ee Subeer Awal ee Duqa Muusaha Xaraf tagaya  ku xeeran inay main stream ka dhigaan ay doonayaan oo dadku liqo   iyakoo dadka ka dhaadhicinaya in Aabo Muuse Biixi hantidhawr guud isku bedalay " Handraab " ku  yahay musuq uu la dagaalamay .......... Waxa  nasiib daro ah nin cilmiga , aqoonta iyo  waayoaragnimada  uu leeyahay Jaalle Axmed Ismaciil Samatar  inuu ku dul kufo “ Buzzword “  Beenta halhays la dhigayo ama slogan-ka  Maraykan waxa la yidhaah "  “ Buzzwords ” waxa xarfaan ku ah xisbiga Jamhuuriga ama G.O.P mar mar bay midi u qaraxdaa Dimuqraadiga sidii " Yes We Can " uu Madaxweyne Obama la yimi ........ Jaalle Prof. Samatarow waad ogtahay inay cidi hanti dhawre ka dhigan  Jaalle Muuse Biixi se uu yahay Madaxweyne cumaamatay  isagu Jaalle Prof. Samatarow hadaad adigu xisaab xidh sameysay noo sheeeg lacagtii inta baxaday intuu hayo ?! ..... ka soco

Sedex Madaxweyne oo uu isku xigay Dalka Masar ood wada garaneysaan Jaalle Jamaal Cabdinaasir ( AHUN ) oonu aad u jeclayn lakiin niman akhwaan Muslimiin ihi na nacsiiyeen , Jaalle Maxamed Anwar AL-Sadat ( AHUN ) iyo Jaalle Xusni Mubarak . Markii Madaxweyne Anwar AL- Sadat  ( AHUN ) la dilay 1981 ee uu  Jaalle Xusni Mubarak meesha qabtay ayey dadkii markiiba tabeen siyaasad la odhan jiray  AL-Infitaax  oo u ekeyd tii Kulmiye one  ee uu ka cabanayo Prof. Samatar Dollar  iyo jineeh ama gini ayaa suuqa sidaa u yaacayey oo handaraab ku xidhnaa Masar  waqtigii Jaalle Jamaal Cabdinaasir  ayaa laga furay  markay Yuhuuda isku soo dhawadeen ...... Jaalle Mubarak sidaa Jaalle Musse Biixi waa ma'da ka raac ayuu joojiyey money stream -kii ama durdurkii lacagta Masaaridu waa balaayo  markaa waxay yidhaahdeen :
جمال علمنا مش والسادات علمنا غش ومبارك لامش ولا غش
Iyagoo u jeeda waqtigii Jaalle Jamal dadku way sinayeen hantiwadaag baa lagu jiray qof walba fuulkiisa iyo mish wuu iska heli jiray , mish waa wax u eg "cotton cheese "  , waqtigii Jaalle Sadat na qish baa socday iyo nin maalin millionaire ku noqda dhawr boqol oo kunina kadaba ceeshto lakiin Jaalle Mubarik Mish na ma jiro qishna ma jiro ........ Halkay hantidhawrnimada Jaalle Xusni Mubarak Ku Dambeysey maalintii la riday 2011 waxay forbes ku qiyaastay hantidiisa oo dhan isaga xaskiisa iyo labadiisa wiil $ 700 billion hada BILLION MAHA MILLION muraayadaha xidho .......... Ciidanka Masar waa la iska ilaaliyaa tan  iyo waqtigii Jaalle Jamaal Cabdinaasir waxooda laguma safaado oo warshado ayey leeyihiin , beero Iwm markuu mashaariicdoodi Inuu Cuno usoo dhigtay Wiilka Jaalle Xusni Mubarak  ka la yidhaah Jaalle Jamal Mubarak waata keentay afgambigii 2011 ........... Jaalle Prof. Samatarow inaan hantidhawrnimada  Jaalle Muuse Biixi sidaa ku dambayneyn Jaalle Xusni Mubarak ma ugu dhaaraneysaa DANYARTA SOMALILAND . Anaku waxaanu leenahay : ريا له علمنا مش وسيلانيو علمنا غش وموسى لامش ولا غش Waqtigii Jaalle Riyaale dadku xabada laxooxda ah waa wada helayey waa la sinaa waqtigii Jaalle Silaanyo Infitaax ba jiray laysku dabo nolaa Jaalle Muuse midna lama shir iman , handaraabkuna mid hanti laga hadlayo maaha ee Somaliland Ruuxa ayey ka handaraaban tahay Dibad Iyo Gudoba.........
Bal Arrin is la Handraabkaa la socota aynu dul istaagno Maqaal ay qortay  Jariidada faraha dhuudhuuban looga qateenka ah ee Africa intelligence  aynu  yaraa qadaa dhigno markii wadaadka Muuse Biixi ihi galgalanayey  bari laba safar ayuu u diray midna Ingiriiska isku soo dhaweynta qurbajooga Yaa se camal ?!  ka kalena markay is soo xidhay Ethiopia ayaa la yidhi safiir Baashe cawil Xaflada ugu tuur siyaasiyiinta Kenya  iyo Diblomaasiyiinta deeq bixiyayaasha Maqaalka Cinwaankiisu waa " Indirect clash between Musa Bihi Abdi and Farmajo in Nairobi " Food isdar dadban oo Nairobi ku dhexmartay Jaalle Muse Biixi iyo Jaalle Farmaajo "
“ There was deep disappointment in store for the Somaliland government at the investment forum that it organised on 30 November at the 5-star Fairmont The Norfolk hotel in Nairobi. And this despite the fact that the Somaliland president Musa Bihi Abdi had dispatched no fewer than four ministers (foreign affairs, economic planning, trade and mining). “
Niyad Jab laxaad leh ayaa Somaliland ku sugayey carwadii Maalgashi  ee ay ka bineyeen 30 November Hotel-ka  raaxada shanta xidigood ah the 5-star Fairmont The Norfolk hotel Nairobi Inkastoo run ahaantii waxan ka yarayn afar wasiir Jaalle Muuse Biixi soo diray kuwaas oo ahaa ( Wasiirka Arrimaha Dibada , Wasiirka Qorshaynta , Wasiirka Ganacsiga iyo wasiirka Tamarta iyo Macdanta ) waxa iyana xusid mudan in Safiir Baashe iyo ninkii saxeebkeen  the one and only Macaali Wasiir Maxamed Cabdilaahi Cumar aka Bajaajka waa jogeen iyakoo ciyaarta labada wing ama labada dhinac ahaa number 11 iyo 7 waxay dhaliyeen baa iska yar difaacii Jaalle Farmaajo ayaa tunnel ku waaalay ilaa ay Al-faan Nicmo yasiin uga yedheen Hargeysa deg deg Iyo Wariye sare Eglan Saalax  oo xayeysiineysa cream wajiga la mariyo oo badhi la fadhiisiyey laga sameeyey oo lagu da'a yaraanayo waar may usoo diraan Duqa . Al-fanaan Iidle yare na waa dhex boodayay Arrintani waxay ahayd after party camal waar maca xafladaas oo bilaaash ahayd ayey cidi iman wayday….
“ But the Kenyan cabinet secretary for trade, Peter Munya, the deputy president William Ruto and two MPs declined the invitation to the event to avoid any diplomatic clash with Somalia and its president Mohamed Abdullahi Mohamed Farmajo.”
Waar adigu dadkii lasoo casuumay oo ahaa  Wasiirka Ganacsiga ee Kenya Peter Munya , Madaxweyne Ku xigeenka  William Ruto iyo Laba Xildhibaan oo Baarlamanka ku jira way diideen inay yimadaan iyakoo is diidsiinaya isku dhac diblomaasiyadeed oo Somalia iyo Madaxweynaheeda Jaalle Maxamed cabdilaahi Farmajo  dhex mara 

“The snub was made worse by the fact that no diplomat based in Nairobi attended either for the same reason, and the Somaliland ministers' lack of international experience also proved to be a hindrance”.
Arrinta waxa xanuunkeeda sii xoojiyey in isla carwaadaa maalgashi lagu soo casuumay diblomasiyiinta Nairobi fadhiya ee deeq bixiyayaasha oo iyakuna ka maquurtay isla sabatay uga maquurteen siyaasiyiinta Kenya  tasoo ku tuseysa khibrad yaraanta caalamiga ee wasiirada Duqa Muuse Biixi ah ..... waxa xusid mudan waxa yimi Jaalle James Meru oo rugta gabacsiga Kenya haysta   sida magacu sheegayo wuxuu ka yimi gobolka Meru ee qaadka Mirowga Somalidu u taqaan laga keeno isna qaad buu iibinayey suuq baa loo raadinayaa weli qaadkii Mirowga ahaa ee Yurub laga mamnuucay .
Halkaa waxa ku baxday lacaga aan ka yarayn $ 350.000 sedex boql iyo konton kun oo Dollar socdaalkii Gobolada bari intaa shan laabkeed baa ku baxay Magaalo madaxdii gobolka Awdal  Boorama ee Taariikhiga ahayd Musuqul ayey ku dhacaysaa arrinku waa " Sinkholes" waxa loo la'ayahay $ 100.000  Boqol kun oo Dollar oo khubaraa caalami ah Diyaarad khaasa ah lasoo saaro from U.S. Of America maca qalbkood sheegaya intee dagi doonta magaalada  iyo goortay degi karto iyo sida looga hortagayo ... .. inta xafladahan maweelada ha la qabanayo ........... markaa Jaallle Prof. Samatarow  Boorama waxay idin leedahay adiga iyo saxiibkaaga aad leedahay waa hanti dhawre “  BOORAMA WAXAY IDIN LEEDAHAY IFKAA LAYSKU AYAYEE EEGA WAXYNU KALA WAYNAY MA AKHIRAAN SOMALILAND DOONI "

Comments

Popular posts from this blog

Foreign Ministry Spokesperson Mao Ning’s

Aid slow to arrive for people in northern Somalia fleeing Las Anod fighting

Mr. Whizbi You Should Apologize , Sir..!