DUBAI OO LAGU KALA JARAYO MAXSUULKII JAALLE FARMAAJO LAGA SOO HELAY...


Waxa la sheegayey intii Gudoomiye Faysal cali waraabe iyo Prof.  Cali Khaliif Galaydh kasoo shaxadeen Jaalle Farmaajo iyo intuu ku balan qaaday inay ka hor tageen safiir Baashe Cawil xaaji Cumar , Macaali Wasiir Sacad Cali Shire iyo Madax.ku xigeen Saylici iyagoo ay fool eryayaan Baashe Cawil iyo Sacad cali Shire in lacagtan iyo tan dambe ba lagu shubo shirkadii ay samaysteen Somaliland Investment Company halka labada oday Faysal iyo Cali ay leeyihiin bal korneyl Muuse halaga war sugo ………. Waxa kalo nagu maqaalo ah in la doonayo in beentii gaamurtay ee macaali wasiir Sacad Cali Shire kasoo waariday jiray Dubai  oo aanu in mudo ah soo waaridin usoo waado arrinta bada ayey rinji UAE inoo maraneysaa cirkana daaro ayey inooga taageysaa …… waar dhaqaalihii Dubai waa ka kac waxa laga yaabaa Dekkeda Berbera inay deg deg uga iibiso shadaadiin aan la garaneyn oo dhawaan la maqli doono..

DHAQAALIHII DUBAI WUXUU U DHALAALAYA SIDII BARAF SAXARAA YAALA sidaa waxa yidhi  Mr. Mir Mohammad Alikhan ( MirMak ) waa Banker qaniyul canal tacriif ah aan u baahneyn inaynu dhinaah waa kuma raga Wall street hawlaha waaweyn ku kala jara ..... Mr. Mir Mohamed Ali Khan wuxuu yidhi aynu dul istaagno sabata dhaqaalihii Dubai u dhalaalayo ( Melt down ) ? Dubai waa magaalo uu ku nolaa Mr. Mir Mohamed Ali Khan dhawr sanadood isagoo ka shaqeeyey hawlaha bayacmushatariga baayacmushtarina laftiisu ka yagleelay . Mr. Mir Mohamed wuxuu si fiican u fahamsanyahay jawiga dhaqaale iyo hab dhismeedka maaliyadeed ee DUBAI ( ninkani maha xariif tuulo safiir Baashe Cawil iyo macaali wasiir Sacad Cali Shire  oo intuu dhaqaalaha ka yaqanay nabaad guurtay kadib markuu indho iyo dhago u noqday xariif tuulo safiir Baashe cawil xaaji Cumar kadibna sameysatay Somaliland Investment Comapany iminka lacag looga doonay Jaalle Farmaajo  sida laga xaqiijiyey Gudoomiey faysal Cali Waraabe , markaasay tidhaah maan dirin maye sug anakaa dirnay Korneyl Musow ee )..... Waar intaasi waxay ahayd ku tufid ee aynu ku noqono hawshii baaxada lahayd ee Mr. Mir Mohamed Ali Khan isagoo leh hab dhismeedka dhaqaale iyo hab dhismeedka maliyadeed si la yaab leh oo cajiiba ayey iskugu xidhan yihiin Dubai , arrinkaa ama xaladaa oo aanad ku arkayn meelo badan oo aduunka ah , arrinkaa waxa la yidhaah " waad igu leedahay hadhowto ayaan ku siin ". ( Waa sida uu shilinka Somaliland ku dhisanyahay , shilinka Somaliland Dahab meel uma yaal , xoolo uma dhofaan , Dekked  iyo airport uma shaqeyaan midna UAE baa la siiyey Hawdiina Somaliya hadana waxa la doonayaa inaad aamintid markaa "  I OWE YOU and will pay you later idhaha Korneyl Muuse Biixi ee Buluukiga ah aamin ) .

Yeelkeede arrinkaa " Waa igu leedahay hadhow ayaan ku siin " ee Dubai laga isticmalaa wuxuu ku dhisan yahay wax la yidhaah " Post Dated Cheque " waad wada garaneysaan waa jeeg la sarifan karo waqti dambe cheque ama jeega ma qaadan kartid lacagta uu ku siinayo drawer-ku ama ninka lacagta bixinayaa isla maanta dalalka qaar isla markiiba waad qaadan kartaa sida Maraykan iy Ingriiska lakiin UAE , India , Canada , Australia iyo dalal badan oo caalamka ah ma qaadan kartid lacagta waqti ka horeeya tariikhda ku qoran " Post Dated Cheque " - ga lagu siiyey . Waa iska sheekadii Derivatives - kii ama huulabka laga isticmaalo Wall Street oo primitive ah waayo cidi ku weydiin mayso Dubai waar hadii bayacmushatarigaagu isku dhex yaaco xageed iga siineysaa lacgtan aad " Post Dated Cheque " aadu iigu qortay waayo Derivaties ka Wall Street  Bangiyo waaweyn baa damaanada qaada halkan " Post Dated Cheque " Dubai bangi uu ku tiirsanyahay ma jiro ninkaa kuu qoray jeega account - kiisa ayaa ka masuula waa maqadiir xaalku soo ma aragtaan shirkadii Somaliland investment company ee labada wiil sameysteen Safiir baashe iyo Wasiir Sacad rasmaalku la shubay wuxuu $50.000 konton kun oo Dollar waxaanu u malayneynaa inay " Post Dated Cheque " u qoreen Dubai Financial Markets waaryaa meeshu waa cisaabad iyo Maffia gaamurtay Korneylk Muuse mala socdaa ?! " Post Dated Cheque " wuu hamaansadaaye intaanu Duqa ku hamaansan ....

Ceebta " Post Dated Cheque " waxa weeye in dhaqaaluhu xumaado wax soo saarkii hoos u dhaco Cash flow am durdurkii lacagtu engago tasina ay keento " Post Dated Cheque " inuu bounce gareeyo haa " cheques can bounce " way kugu hamaansan karaan hadii lacagi account-ka ku qoran ay ku jirin NSF ( no sufficient fund ) .... Markaa wuxuu leeyahay Mr. Mir Mohamed Ahmed Ali Khan markay cheques  bounce gareeyaan ama dib laguugu soo tuuro sheekadu waa rubber cheque ee aduunka kale dadka waqti baa la siyaa lakiin Dubai marka Creditor-ka ama dayn sugaha ugu horeeya ku ashtakeeyo isla maalintaas ayaa lagu xidhayaa sidaa awgeed cidkastaa marka dareento in bayacmushtarigoodii is dhimayo cagaha ayey wax ka daydaa .

Abraaj Capital waxa ka hamaansaday  “Post Dated Cheques” dhan $ 48 Million  cheque bounced sideed iyo afartan million   dib loogu soo tuuray ama dayn ku go'ay .
Intaasi miyey kula badan tahay , sug inyar . laga bilaabo January 2018 ilaa May 2018 , 26 billion dirhams  cheque bounced lix iyo labaatan billion ayaa gubtay DUBAI kuwaas oo ahaa 1.2 million oo cheque waxa weeye 39.3 % intii cheque ee la isticmaalay 2017 ee hayd in la bixiyo 2018 ( Halkasay Dekkeda Berbera wax ka sugeysaa tolow Xildhibaan Cartan ma ogyahay in Dubai kacaday waar Gudoomiye Cali xorxor meeshiisa ku celiya dugaagana meesha ka dareeriya ) .... ka soco waar hadii lix bilood gudahood $ 7 Billion gubatay maxaad fileysaa laga bilaabo July ilaa December 2018 imisaa  kale ayaa guban doona .


Si aad u ogaatid inta dad yaacday markay “Post Dated Cheques" gubteen sida kor ku xusan hore aynu u sheegnay sida caalamka kale inaan lagu sugeyn inaad deyn raadsato ama restart aad sameyso ee markiiba lagu xidhayo inuu xaalku yahay lafahaaga u carar halka aynu ka ogaan karno dadka baxsaday   waa inaga oo eegna inta telefoon ee la iska jaray  iyo inta caruur iskuulaadka laga saaray een kulaylaha kadib aan iskuul kusoo noqonayn , Markii la eegay data – da  shirkada isgaadhsiinta ee Etisaal waxa la arkay intii u dhaxeysay bishii March iyo April la iska jaray 32.000 laba iyo sodon kun oo telefoon .  38 sideed iyo sodon malimood oo qudha 28.000 sideed iyo labaatan kun oo caruur ah ayaa laga saaray iskuulaadkii oon macnihii reerahoodu dib usoo noqoneyn .


Arrimaha dhaqaala xumada waxaad si toosa uga arkaysaa kala iibsiga dhulka  . Dhulka waxa lagu iibin jiray  2300 dirhams ama $ 626.16 Dollar   per foot square ( Maha meter waa Foot square  ) maantana waxa lagu iibinayaa 600 dirham ama $ 163,35per foot square taasi 25% qimihii hore macnihii 75%  baa gubatay ...... ( Safiir Baashe Cawil gurigii uu siistay $ 5 million ee dollar laga yabaa inuu maanta yahay 5.000.000 x 25/100  = $ 1.250.000 inu maanta yahay million iyo rubuc waar iska daa waa wixii Danyartoo ALLAH ka daba yimi ee hadhaafto xaraantu sidaasa u khayr badan .)

Iyana waxaad dhaqaale xumada ka dareemeysaa suqii dahabka oo dukaano madhan lagu arkay 35 sano kadib halkasoo dukaan inaad ka kireysto ama aad iibsato aad u adkeyd mudo yar ka hor   . Suuqyada Arabian Center, Sunset Mall and Al Ghurair asbuuc walba dukaano hor leh ayaa la xidhayaa sidoo kale meheradaha wax  laga cuno ayaa iyaguna si xawli ah u xidhmaya . Hotel-adii waaweynaa qiimo  dhimis bay sameyeen boqolkiiba 70% waxay dadka weydiinayaan boqolkiiba 30% intay hore uga qaadi jireen , sideed iyo  toban hotel baa xidhmay ooy ku jiraan kuwo lagu hoogay sida Savoy, Ramada, Richmond, Crest, Jarmond iyo qaar kaloo badan . Lamcy plaza oo ahaan jiray suuqyada ugu camiran markuu gubtay ooy ahayd in dib loo furo Agust 2017 weli lama furin , labada suuq ee Bur Juman  iyo Wafi mall waa haawanayaan waa suqaqa dukaanada ugu badani ka banaan yihiin .

Waxa kaliya ee cash flow ama durdurka xoleed furi lahaa iyadoo inmadii lacagta bugta ah siday soo galaan big hedge funds boys  oo waxogaa lacaga meesha lagu qasaalo money laundry tiina wax il xun ku haya niman yidhaah argagixiso  ayaanu la dagaalameynaa  ( Waa lacagta suganyeen qolada Somaliland  Invesment Company ) .




Wararka kasoo baxaya qoladii gudoomiye Faysal Cali waraabe iyo Prof. Cali Khaliif galaydh ka hor tagtay si maxsuulkii Jaalle Farmaajo laga soo qaaday loogu kala jaro Dubai ayaa sheegay inay bilabeen marin habaabin loogu talo galay Danyarta soo looga sii jeediyo wixii Jaalle Farmaajo laga soo qaday ..
Waxay sheegayaan in la leeyhay waxa la furayaa xafiis tijaari ah Muwaadin xafiiska tijaariga ihi weligii buu jiray wax safarada ooy Somaliland ku lahayd UAE ma jirin warkii uu sheegayey Wasiir Qarqaash ayaa saxa Xafiiskaa Tijaariga ah uun bay Somaliland ku lahayd meesha anana aanu ka dhigi jirnay safaarad Mr. Baashe Cawil na safiir .
Iminka markii dhaqaalaha Dubai xumaaday waa laga yabaa inay xafiis fiican lacag jaban ku heleen lakiin wax kale jiraan
Waraaqdan hoos ku xusan safiir Baashe cawil ayaa qoray dadka Somaliland ee UAE ku nool beri u xidhiidhka Somalia iyo UAE aad u xumaaday ooy lacag xataa laka dhacay , waraaqda waxa ku cad in meeshu xafiis tijaari ah tahay .
Maanta beentay loo dabaal degayaa qiiq lagu kicnayo Danyarta weliba waxdun sugtaan balanqqadyadii  Mr. Ina Cali shire la shir iman jiray waa soo kama daalo oo doorkii hore beenta Macaali Wasiir Salebaan Cali Koore ayaa ka dul akhriyey Danyarta doorkan yaa ka dul akhriyi doona ma Professor Cali Khaliif Galaydh .


Comments

Popular posts from this blog

Foreign Ministry Spokesperson Mao Ning’s

Aid slow to arrive for people in northern Somalia fleeing Las Anod fighting

Mr. Whizbi You Should Apologize , Sir..!