Kulmiye Inu Qubaar Kiciyo Garanay Mucaaridku Maxay U Jedaan Mise Waxa Bilaabatay shaqo tagnay & Gudoomiye Faysal Style..


Dekkedii Berbera cid musuqa ka dhacaya wax ka sheegtaa waa QARAN DUMIS galabta waxa hadlay Gudoomiye Ina Cali Waraabe wuxuu u jawaabayaa suudh madhan oo talaabsanaya oo sheegta RaysalWasaraha Xamar markaa shiidkaa dan iyo muraad kamaanu lahayn ee waxaanu diidnay cayduu ku xidhay Gudoomiye Ina Cali Waraabe oonu raaligelin ka biixinay . Mr. Ina Cali Waraabe  intii uu ku sugnaa Somaliland iyo intii uu Somaliya sarkaalka ka ahaaba waa nin shaqeysta maansha'a Allah  markastana kalmada QARAN koofiyada ku sita ama qaran somaliyeed ha ahaado ama qaran Somaliland ha ahaado dan iyo muraad hawlihiisa kama galno beri dhaweyto oo uu Xisbiga naga baabi'iyey wadaadkii noo sharaxnaa na uu toogtay Siyaasiyan ayaanu ku kacnay farta dadka waxaanu ugu fiiqnaa inuu opportunist yahay ....
Mr. Qabyotire wuu ka duwan yahay waa nin very loyal ah oo daacad u ah dadkay wada shaqeyeen wuxuu Jabuuti ugu dhagay waa loyalty uu u hayo  Safiir Baashe Cawil iyo Xukuumadii uu ka tirsanaa .
Garanay qolada Kulmiye inay qubaar kiciyaan markay meel musuqmaasuqayaan ama Jabuuti ha la isku qadaan ama RaysalWasaare Khayre oo maraboobi qabsatay oo naf lacaari kula soo cararay Somaliland ha ahaato ee . 
Lakiin Waxaanu garan waynay Mr. Uurcade Xisbiga Waddani  oo si xooga isku muujinayay markhaatiyo waaweyn u furay Kulmiye hadlkiisana ku khatimay NAXNU NUCLIN XARAB  نحن نعلن حرب.........أي حرب و أي كلام فارق  Cool down your Jets , man ,,, Mr. Uurcadow iminkaan ka hadlayaa haduu waxa ka socdaa Dekkeda Berbera maalgashi yahay waar isdhiibka dhaqaale ama Disinvestment siduu u eg yahay waxa ka socda Dekkeda Berbera waa Disinvestment which  is the action of an organization or government selling or liquidating an asset or subsidiary , period  SHEEKHOW WAA XARAASH WAXA BERBER KA SOCDA  DP WORLD INTII MADAXTOOYADA UU GUDOOMIYE CALI XOORXOOR KEENI JIRAY AYEY  IYADOO DOLLAR AH  U DIRTAA DUBAI  BOQOL JEER KA XUN QAADKA ETHIOPIA WAXAY DALKA KA WADAA WAA KALUMEYSI JIRIIF AH kasoo dhaqaaq waa markhaatigii kowaad ee Jaalle Uurcade furay  markhaatiga labaad waxa ansaxiyey Heshiiska labada Gole ee Barlamaanka waar inadeer maxaad dhameelka isbaarada uga dhiganaysa baryahaa wax dhameel ah may arage Akhyaartii Barlamaan ku sheeguye Mr. uurcade ,Sir .. Wasiirada Kulmiye oo uu  ugu horeeyo Dr . Sacad Cali Shire ayaa ON THE RECORD iyakoo hortaagan kameradaha markay soo noqdeen maalin ka hor sheegay waxay heshiiskii hore  iyo heshiiskani ku kala duwan yihiin ogow heshiiskii hore Ethiopia kuma jirin heshiiskan waa in la hor geeya labada Gole hadii kale  Guurkaasi waa bilaa nikaax xarantaa hala isku wadwato markhaatiga sadexaad inaydun beentii Kulmiye DANYARTA ka dhaadhicisaan waa habaar iyo Dawlada Somaliland baa heshiis caalami ah saxeexi karta .
WAAR ISMACUU WACUU MAHA ROKET SCIENCE SOMALILAND DAWLAD LA ICTRAAFSAN YAHAY MAHA DAWLADA AYNU HOOS TAGNAA WA MARAQAA The SOUP LA YIDHAAHEE AMISOM , DANEYSTE GUUD IYO MID GAAR OO SI DHEX YAACAYA  OO XAAFADA LA ODHAN JIRAY WARDHIIGLAY BUQCAD YAR KA DAGAN MEEL U YARA EG GREEN ZONE KA BAGHDAD   MR. UURCADE WUU OGYAHAY IN HESHIISKII HORE UU SAXIIXAY MR . XASAN SHEEKH MAXAMUUD TAA IMINKADAN AYAAD INTERNET-KA KA HELAYSAA HESHIISKII MAALINTII DHAWEYTANA RAYSALWASAARE KHAYRE AYAA SOO SAXEEXAY ........ we are flabbergasted  inuu  chief strategist Waddani Party mikirifoonka  Mick mouse kula tartamay Gudoomiye Ina Cali Waraabe ,, 
Cida aan aqoon RaysalWasaare Khayre waa Morgan -ka Xamar waa xidid xil ku hel gabadha   Mr. Farmaajo ayey isku jifo yihiin waa Beelweynta Murursade curadka  Beelweynta hawiye waa nin aad u yaqaan dabin kaboodka siyaasadeed qaraxyadii Xamar soo noqnoqday cid kastaa masuuliyad bay qaaday isga mooyaane siyaasiyiinta misaanka leh ee uu ka takhalusay wasiir Yusuf garaad  , Wasiir Juxa , Mr. Sambalooshe , political super star xidigii Banaadir Gudoomiye Taabit ....... iyo qaar kaloo badan beri dhexdaasa beesha Habargidir buu isku qaaday lakiin Beelweynta habargidir xisaab xidh weli lama sameyn way soo socotaa . 

RaysalWasaare Khayre ma ogola inuu masuuliyad khalad dhacay qaato he never takes responsibility  cid kale ayuu ku riixaa lakiin dhacdadii ugu dambeysay THE EMPEROR had no clothes imaraadku way qaawiyaan waayo bil ka hor intay u yedhaan oo uu waraaqaha saxeexo sidii Mr. Cumar CabdiRashiid Cumar Shuluq iyo Mr. Xasan sheekh Maxamuud ayaa mudo kadib la odhan lahaa kaalaya  Ethiopia iyo Somaliland  idinkuna saxeexa , halkan sheekadu faashil bay ahayd  dhawr sacadood baa u dhaxeeyey labada wafdi ee RaysalWasaare Khayre iyo Wasiir Sacad cali Shire markay imaaratka gadheen cid walibana way arkaysay inay isku yool u socdaan oo lays wareysanayo nuqsaan bay ku tahay RaysalWasaare khayre inuu dafiro iyo inuu yidhaah maan garaneyn waxaan Imaraatka ka doonay taasi curfiga diblomaasiyada caalamiga ah iyo protocol -ka dawladnimo ayey gaf ku tahay . RaysalWasaare Khayre waa inuu ka waramaa safarkiisa Beentan Nacasnimada ah na joojiyaa ee uu ku qarinayo wajiga yaree  Poker face - ka uu ka dhigo tasuu ku maldahayo ama ku qarinayo kalsooni daro faro badan .
Kontractkaa haday ku tidhaah Dawlada fedraalka ihi may saxeexan oo RaysalWasaare Khayre muu saxeexin been bay ku shegeen ........ halkay wax ka khaldameen iminka Koonfurta Somaliya marka la dhaafo Puntland waxa ka mooda ah  ma Fashion ka ah waa nacaybka ETHIOPIA ooy social media laga huriyo Wadanimadii Somaliyi iminka waxay kusoo uruurtay maro yar oo buluuki ah iyo naceybka Ethiopia hadii laga tagi waayo nacaybka Isaaq aka Somaliland hada Ethiopia ayaa kala dhex taagn Alshabab iyo Dawlada Macmalka ah ee Mr. Farmaajo gadhwadeenka ka yahay . waar hadalkoo lasoo gaabiyey markii wararka inuu saxeexay heshiisku soo baxeen asa kontaraaga ay ku taal 19% Ethiopia waa marka kii yaraa nakhasku qabtay waayo qolada Habargidir sheekadii Mr. QALBIDHAGAX Ethiopia loo dhiibay oo kale ayey ka sameyn karaan waata keentay galgalshadii inuu Mr. Khayre Somaliland ku dul kufo . 
Ayaamaha soo socda waxaanu dhamaan  Xaq U Dirirka ka codsaneynaa MUCAARID SOMALILAND MA JIRO ee inaynu  waraaqo u qorno hay’ada World Trade Organization  inay waraaq ka heleen RaysalWasaare Khayre iyo Dawlada Fedraalka ah ee Soomaliya oo ay kaga dacwonayaan DP WORLD  waa five minutes aad waraaq  email ku qortid Fadlan nagu caawiya qoraalada Hay’ad kasta oo trade arbitration sameysa u qora  halkaa waxaynu dooneynaa inaynu ku cadeyno once and for ever inay Dawlada federaalka ihi qayb ka tahay Heshiiska DP WORLD cida saxexdaana iyaga yihiin . Wax waraaq ah oo uu diray ma jirto Mr. Khayre wanaanu cadeyneynaa Insha’a Allah waraaqda Internet-ka aad ku aragtay meel looma dirin waxa loogu talo galay Social Media ha …. 
HADAYNA WARAAQI JIRIN TAASI WAXAY KU TUSEYSAA IN CISAABADA XAMAR IY CISAABADA HARGEYSA NIIKISKA AY ISKU NIIKINAYAAN IYO HADALADA QIIRADA LEH EE HAWDA LAYSKU MARINAYAA INAAN WAXABA KA JIRIN WAAXANU OGNAHAY INA HABEEN WALBA LABADA MADAXTOOYO WADA HADASHO  WIXXII  DANYARTA SOMALIYA WADDANKI LAYSKU ODHAN JIREYNA XAAFADAA WARDHIIGLAY EE XAMAR IYO XAAFADA JIGJIGA YAR EE HARGEYSA LAGU CUNO MACA SADAQADII AANU DADKA BISHII RAMADAAN IYO AYAAMAHA LAYLATUL QADARKA U URURINAY.WAY CUNEEN .....
JAALLE UURCADOW WAXAY NIMNKII MADBAKHA KU JIRAY AY GARAN WAYEEN MA MAALGASHIBAA , MA KIRAA , MA IIBAA AYAAD MAALGASHI KU SHEEGTAY SHEEKHOW GALABTA SEE CAMAL , BAL HALKAN EEGA ….

Comments

Popular posts from this blog

Foreign Ministry Spokesperson Mao Ning’s

Aid slow to arrive for people in northern Somalia fleeing Las Anod fighting

Mr. Whizbi You Should Apologize , Sir..!