Ololihii maanta ee Xisbiga Kumiye Marodi-jeex 10/22/2017


Hargeysa,(Qaran-news)- Ololahii maanta ee xisbiga Kulmiye uu ku soo bandhigaayay cududiisa iyo siyaasadiisa ee gobolka Maroodijeex ayaa gabi ahaanba fashilmay kadib markii dadkii isu soo baxay ay maanta ahaayeen qaar ka mid ah dadweynaha dega galbeedka Hargeysa, taasi oo ay sabatay maamul xumo iyo musq maasuq la soo gudboonaaday madaxda xisbiga Kulmiye.

Gudoomiye Muuse Biixi waxa uu shalay 50kun oo doolar u dhiibay xildhibaan Kijaandhe, lacagtaasi oo loogu talo galay in basas lagaga soo guro dadweynaha degan degmada Axmed Dhagax isla markaasina dhalinyaro badan lagu marxabysiiyo isu soo baxa ka dib, arintaasi ayaa fashil ku dhamaatay kadib markii xildhibaan Kijaandhe uu lacagtii loo dhiibay uu 11kun oo doolar u dhiibay Tiimbaro oo uu u sii xil saaray in uu dadka soo guro madaama oo uu arimahaasayi isagu uga faro dhuudhuubanyahay, xildhibaan Kijaandhe ayaa isagu maanta iska seexday xaga Tiinbarana uu 4 dhalinyaro ah oo reerka ah inta uu u yeedhay uu min 2 kun oo doolar siiyay kana codsaday in ay la shaqeeyaan ayaa dhalinyaradii markii ay lacagtii qaateen waxa ay ku dhawaaqeen in ay Kulmiye ka baxeen isla markaasina ay ku biireen xisbiga Waddani.

Dhanka kalena waxa uu Muuse Biixi uga dhaartay in uu wax lacag ah farta ka saaro oo ay ku ololeeyaan Jaamac Shabeel iyo dhowr xubnood oo ka soo jeeda koonfurta Hargeysa, waxna xubnahaasi lagu qanciyay in codkii looga baahnaa beesha Ciidagale uu qorshaysanyahay oo ay isku haystaan xisbiga UCID iyo Waddani, waxna jira in lacagtii ololaha uu galin lahaa xisbiga Kulmiye ee lagu kasbanlahaa beesha Ciidagale la siiyay Faysal Cali Waraabe si uu codkooda u khasaariyo, arintanina waxa aad uga shaqaysay oo Faysal Cali Waraabe lacagta uu ku ololaynaayo farta ka saartay gudiga ololaha ee beesha Muuse Biixi, kuwaasi oo Faysal Cali Waraabe kula dardaarmay in uu khasaariyo codka Ciidagale.

Waxana uu Faysal Cali Waraae isu rogay mashruuc la adeegsado oo dadkiisa codkooda lagu khasaarinaayo, waxna la haboon dadka deegaanku in ay fahmaan codkooda in aan la khasaarin ee codooda loo meel dayo.

Dhanka kalena kulan uu caawa Faysal Cali Waraabe isugu yeedhay dad xoogaa ah oo beeshiisa ka soo jeeda oo uu la hadlaayay ayuu ka codsaday in aan wax cod ah Waddani aan la siinin isga oo halkaasi ku aflaagaadeeyay beesha uu ka soo jeedo musharaxa xisbiga Waddani, halkaasi oo dadkii dhagaysnaayay ay kaga dareereen kana diideen mashruucaasi qaawan ee uu sitay oo hore loo sii ogaa, waxna uu caawa Faysal Cali Waraabe goobtaasi kala huleelay waji gabax


Comments

Popular posts from this blog

Foreign Ministry Spokesperson Mao Ning’s

Aid slow to arrive for people in northern Somalia fleeing Las Anod fighting

Mr. Whizbi You Should Apologize , Sir..!