Somaliland : The Moryaans Torturing Hargeisa



The Old Lion a Great man full of parasites 

الثورة يخطط لها الأذكياء وينجزها الشجعان ويقطف ثمارها الجبناء ...........جفارا
Halgan keeni hagaagay ninman Maskax fiican oo uu ku jiro Xaq U Dirir Axmed Jimcaale Guleed ayaa qorsheeyay niman Geesiyaal ihina way Fuliyeen oo uu ka mid yahay Xaq U  Dirir Colonel Cabdiqadir Kosaar Midhihiina waxa Gurtay intii Fulay Jamhuuriyada Somaliland lahayd maxaa Ina Cali Dhurwaa yaacaya iyo Mayor Solteco iyo Murdiye miidhan , SUBXAAN.........
Cadaaladii SOMALILAND oo ooyeysa ayaa maanta TV-yada Calaamka laga dawaaday CISAABADII oo MORAAYN u xuub siibatay ayaa la arkay oo noqotay MORYAANTA HARGEYSA waar walaahi Somaliland Moryaan maha oo Isaaq Moryaan maha oo reer ka mid ihi Moryaan maha lakiin Moryaan baa sameysantay cid walba leh oo Hargeysa joogta Markii hore danta guud ayey dhacayeen iminka sheekadu waxay mareysaa Bidaartii Ina Baashe Xaaji Xasan  ayaanu Baloodheysaneynaa  waa markuu yaabay Wadaadkii Ina Baashe xaaji Xasan , Iminka dadka waxoodii ayay cidankii Qaranka ee  loogu talo galay inuu dalka difaaco usoo kaxaysteen , labo sacadoodna kadibna waxa lagu odhanyaa hayaay Mr. Farmaajo ayaa ina soo weeraraya waar beenta kadaya shacabka oo waxooda u daaya oo ciidanka iyo shacabku yaanay is nicin iminkay is naceen dadka iyo RRU iyo BOLIISKII guud ahaanba ee .

Waxaanu la hadleynaa qolada MADASHA WADA TASHIGA iyo Xaq u dirirka حفظهم الله ورعاهم waxaanu leenahay waliba Xaq u dirir  Maxamed Xaashi Cilmi iyo Xaq u diri Cabisalaam Yasiin waar hadee mudaba agtiina dadkii ay ka tageen xaq u dirirku ayaa idinka ag qaylinayey oo la dulmay oo waxoodii la dhacayo hore waxeynu u aragnay mid yaroo ah  ina Xaq u dirir Colenel Cabdiqaadir Kosaar طيب الله تراه ah oo leh waar saqduud dab damisku nosoo maro noo banee Ina Faarax Xarbow …… Maantana dadkii u ka tagay Xaq U dirir  Axmed Jimcaale Guleed طيب الله تراه ayaa beertoodii saladii subax Ramadaan sedex Ciidan la galayey oo la rafacay waxooga DANYAR ah oo meesha joogtay  , Markaa MADASHAAY dadku xaq bay idiinku leeyihiin inaad u sheegtaan Dawlada Habruhu hogamiyaan ee AL - XAAJI Axmed ku qoran  yahay hadii shacabka waxooda xoog lagu qaato oo ciidan la adeegsado in aminigu faraha ka bixi karo …….. Waxay is leeyihiin Baasbooro yar yar baydun haystaano markay qaraxdo waydun iskaga tagi JEEL baa idiinka soo horeeya wadamada aad basbooradooda sidataan wayno balan qadeen taa cid Dambi bina'aadminimo gasha iyo mid DANYATA waxeeda oo la cuno inay dawldaha reer galbeedku Maxkamadeen donaan …..

Xaq U Diri Maxamed Xaashi Cilmi ilaayo markaad watay gadhigii GMC pick up  ahaa ee cadaa eed Jiddah  ilaa Sharqiya aad joogtay waydinkii Xaq u Dirir Axmed Jimcaale Guleed iyo akhyaar kaloo badan wada waday sameyntii SNM yar yarka Iyo Xaq U Diri Axmed waa kuwii RUWEYS daganaa ee aad garaneysid Markii Dambena waa kii  Prof. Cabdisalaam Yasin ugu tagay LONDON si SNM loogu dhawaaqo markii dambena Xaasaskii Marwo Kaltuun Imaan Dhore oo uu qabay Eng. Maxamed Xaashi Cilmi intaanu bililiqaysan Mr. Jiin Xaaji Cabdilaahi oo uu xaaskiisii hore Guursaday Marwo Amran Cali Xiis markaa Maxamedow waa adigii barigii Marwo Kaltuun iyo Caruurtii geeyay QAAHIRA isna Prof . Cabdisalaam Yasiin wakii Marwo Saynab Adan Siciid iyo caruurtii kaa dabo keenay QAAHIRA  markaa caruurta iyo Mr. Axmed Jimacaale طيب الله تراه  na QAAHIRA waa idiinka sii yara horeyeen kadibna qurbaha ayaa lagu sii fogaaday halgankii ay Moryaantu dhaxashayna halkaa ayuu kasii socday waar Akhyaarta MADASHA waxaan leeyahay waa Cishratul Cumur ee Cruurta waxoodii la dhacay Sidii XAQ U DIRIR Axmed Jimcaale Guleed ka yeeli lahaa Caruurtiina ka yeela oo labadan Horor ee Mayor. SOLTECO  IYO Macaali Wasiir MURDIYE  ka qabta .

Tolow iyagu Xaq u Dirir Cali Gurey iyo Suldaan Maxamed Xirsi Qani  حفظه الله و رعاه oo ay labadaba In Faarax Xarbi isku fiican yihiin may ka dhaadhicin waar  Marwo Hibaaq Cabdiqaadir Kosaar yaan lagu qabsan Gurigeeda ……

Durtooba Caalamka oo ogaaday in Boliiskii Somaliland God ku dhacay oo Habro iyo wiilka Baashe cawil ihi maamushaan bal akhriya Maqaalka  " Greater Accountability will help Somaliland’s Police Prepare for the Next Quarter Century "  ee uu qoray  Mark T. Jones ee uu leeyahay isla xisaabtan Boliiska hadii la helo waa sii jiri karaa rubuc qarni kale hadi kale ………. Waliba ninku sidii nin doonaya Ishaafto ayuu u eg yahay oo is wanaajinay ….

Waar waa bil Ramdaan weeye ee nagula  Tufa oo Amiin noo dhaha in Amiinteena ta Mala'ikta  ALLAH is waafajiyo …..

اللهم ان الظالم مهما كان سلطانه لا يمتنع منك فسبحانك أنت مدركه أينما سلك، وقادر عليه أينما لجأ، فمعاذ المظلوم بك، وتوكّل المقهور عليك، اللهم  إننا  نستغيث بك بعدما خذلنا كل مغيث من البشر، ونسنتصرخك إذا قعد عنا كل نصير من عبادك، ونطرق بابك بعد ما أغلقت الأبواب المرجوة ،  اللهم انك تعلم ما حلّ بنا قبل أن نشكوه إليك، فلك الحمد سميعاً بصيراً لطيفاً قديراً .
حسبي الله ونعم الوكيل في من اذانا
اللهم بحق جاهك وجلالك وعزتك وعظمتك التى يهتز لها الكون انصر أبناء المجاهدين على من ظلمهم  اللهم لا ترضى الظلم لعبادتك
اللهم انك وعدتنا الا ترد للمظلوم دعوة .
اللهم آمين


Public trust is fundamental to effective policing, and thus anything that erodes trust in the Police should be a matter of concern. In any organisation there are always those who fall short of the ideal, and it is clear that concerns do exist and these cannot be rubbished in the media, ignored and swept under the carpet.

The charge sheet certainly makes disturbing reading:



*A perceived culture of impunity
*Anecdotal evidence of collusion with corrupt politicians and senior military figures
*An absence in some quarters of courtesy and people management skills and techniques
*Weak leadership and poor accountability
*Signs of corrupt practices
https://qarannews.com/greater-accountability-will-help-somalilands-police-prepare-for-the-next-quarter-century/

Comments

Popular posts from this blog

Foreign Ministry Spokesperson Mao Ning’s

Aid slow to arrive for people in northern Somalia fleeing Las Anod fighting

Mr. Whizbi You Should Apologize , Sir..!