Dhibta Muslimiintu waa Munaafaqad ……..Hypocrisy Hurts Us All


                                 
                                                 The Pope Meets with The Devil

Xataa qoladii gaalada ahayd  ayaa sameeyey Sawir gacameed ay leeyihiin SHAYDAANKII WEYNAA EE MR. TRUMP ayaa qaabili doona Pope ka Muslimiintuna Damashaad bay ku qabishay Munaafaqadi faro weynaa ........

                                                         


                                    Riyadh Halal Concert with Mr. Tobey Keith ... Halal What was that ?

Shalayto waxa Shaashadah caalmaka laga daawaday Boqorkii Sucuudiga  oo taagane Tusbax Bir Mr. Donald Trump kabaha u qaadaya Riwaayada meesha ka dhacday waxa hagaya oo taa waxa sheegay Mr. Trump qudhiisa  waxa hagaya  maskharada wiil uu sodog u yahay oo la yidhaa  Mr. Jared Kushner ama Mr. Jared Morgan waa Morgan kale waa xidid ku xoolow hor leh wiilka Mr. Jared Kushner ihi wuxu kasoo jeedaa diinta Yuhuuda wuu garanayaa waxay Muslimintu dhibsanayaan hadana waa lagugu dayayaa .  Maskharada halkaa ka dhacday waxay bilaabatay markii Mr. Donald Gacmo yare iyo Habartiisa Filmada qaawan ( PORNO ) matali jirtay ay diyarada kasoo wada baxeen tasoo ahayd ON YOUR FACE meeshu Dhulkii Barakeysnaa oo losoo kaadi tagay weeye  , Diyaaradii markay kasoo dageen Boqorku  salaan buu ku taagay Habartii oo qaawan waxba madax ku sidan  waar miyaan laysku ogayn inaan gacanta la gelin Dumarka ajanabiga ah ee weliba matalay Filimyo ay dhar dhigteen oo aanay ka toobad keenin waar meeye Wadaadii NAIROBI joogay ee dadka gelinka hore iyo  gelinka dambeba galeysiin jiray mise nimanyahow Boqor Qaloocow waa nin  OGADEEN ah oo arrintu waa JABARTI  waar mise lacagta uu idin siiyo ayaad qiil ugu sameyneysaan oo waa QAALIN BIXIYE QIIL MA WAAYO …….

Maskharada hore waxa ka daran  halaaga dambe ninka Mr. Trump iyo wiilka Mr. Jared Morgan oo isna xaaskiisa wata oo ina Mr. Trump ah oo maqashay carabtu timaha dheer bay jecel yihiin markaaasay isku rakibtay timo ilaa dhabarka ku dhaw ( Hair Extensions ) si ay ay dhawr babuur iskugu dhuftaan iyakoo eegaya inataasiba waa collateral damage  …. Waar halaagu waxa weeye Mr.Trump iyo cayayaanka la socdaa waxay wataan nin sakaraad ah oo beri hore haligmay oo la yidhaah Mr. Tobby Keith oo yidhaah country music ayaan qadaa lakiin fadare ah oo adeer muxuu Araadi Muqadasa kasoo doonay Mr. Toby Keith laye Mr. Rabixa Saqar waa fanaan aad loo jecel yahay  ayuu la heesaya oo Riwaayada rag uun baa soo gelaya waa maskax carbeed maaha Maskax Muslim oo Fanaankan Carbeed iyo Dumarku soo geli mayaan maskada carabta ayaa lagu furayaa ninkan Mr. Toby Keith waa nin Muslimka neceb heesuu sameeyey uu Muslimka ku aflagadeynayo hadaad GOOGLE garaysid waad arki kartaa waxa ka mid ah heesaha Mr. Toby Keith :

So we prayed To ALLAH with all of our might

Until those big U.S jets came flying one night

They droped little bombs all over their holy land

And man you should have seen them run

Like rabbits , they ran 

ALLAH qaadirka ayaanu itaal wixii nagu jiray ugu tukuney ama ka duceysanay

Kadibna  Diyaradihii  waaweynaa ee Marykanka ayaa habeen yimi iyagoo Duulaya

Qunbulado ayey kusoo daadiyeen meel kasta oo Dhulkii Muqdaska ahaa ka mid ah

Waar nimanyahow waxa fiicnaan lahayd inaad aragtaan iyagoo cagaha wax ka dayeya

Sidii Bakaylaha ayey u yaceen

Lakiin Sucuudigii waxa laga dhaadhiciyey waa xalaal Riwaayad ( Halal Concert ) hada mar labaad ayeynu waydiineynaa wadaadii siyaasiinta ahaa ee Nairobi fadhiyey way garanayaan labada aanu u jeedno ee magacyo sheegi mayno ee waa Ciyaadu Bilaah waar Wadaad ISLII Go'aan ahayne HALAL CONCERT ma jirtaa ………….

 Khudbada ay dhageysan doonaan Madaxweyne isku sheegayaasha Dawladaha Islaamka meesha tagay TAWAQIIT AL- ISLAAM  waxa Mr. Trump Gacmo Yare U qoray nin la yidhaahdo Mr. Stephen Miller ninkan Mr. Miller waa WHITE SUPREMACIST waa qoladii HITLER ka tagay waa CUNSURI boqol jibaaran lakiin wax damiirkoodu nool yahay meesha ma fadhiyaan sidaa awadeed dareemi mayaan ....... Wa Laahu Aclam .

Kaaga daran ee heestii ugu horeysay ee uu qaaday Mr. Toby Keith waxay ahayd " The angry American " anana waxaanu nidhi yeelkadaa dee……. Waar yeelkood ee nimankii $ 110 BILLION oo Dollar hada BILLION baada ayaa laga qaaday waxoogaa hub ah ayaa loogu badalay oo ay leeyihiin YEMEN AL-XABIIBA oo shuban Biyood hayo sideena ayaanu ku garacayna …….. RABII CAADIL ….. YA ALLAH ADAANU KUU DHIIBNAY NINKAA DHULKII BARAKEYSNAA KABAHA LA DUL MARAY …….. WA LAAHU ACLAM .

Comments

Popular posts from this blog

Foreign Ministry Spokesperson Mao Ning’s

Aid slow to arrive for people in northern Somalia fleeing Las Anod fighting

Mr. Whizbi You Should Apologize , Sir..!