Stop The Military base...... Ogeysiis Mudaharaad

Over the past week, representatives of the Somaliland diaspora have expressed their outrage at the fact that the United Arab Emirates (UAE) have cut a deal with authorities to develop a military base in Somaliland .

Scores of people demonstrated outside the UAE embassies  in London  Stockholm and elsewhere to protest  against the establishment of an Emirati military base in Somaliland .


On Monday 1 May 2017 there will  be demonstrations at U.A.E Embassy I Washington DC it starts 10.00 AM . We urge all Somalilanders and peace loving individuals to join this Demonstration .


Ogeysiis Mudaharaad

Ogeysiis:

Dhamaan dadweynaha sharafta leh ee ka soo jeeda “Somaliland” ee  deggan nawaaxiga caasimadda USA, Washington DC. waxa la Ogeysiinayaa in maalinta Isniinta ah, ee May 1st., 2017 saacadda 10.00am lagu qabanayo MUDAHARAAD Safaaradda ay ku leedahay dawladda “Isutaga Imaaraadka Carabta, UAE”
magaalada Washington DC. Ujeedada Mudaharaadku waxa weeye in lagu muujiyo dareenka  Bulshada Somaliland oo Intooda Badani ay si adag u diidanyihiin Saldhiga Ciidan ee Dawladda Somaliland ay dhowaan siisay dawladda UAE. Wax sida Cadceedda u cad in saldhigaasi Somaliland Faa’iido ugu jirin. Waxa sidaa daliil u ah sidii JUJUUBKA ahayd ee Baarlamnka Somaliland lagaga ansixiyey wixii ” Macmalka ahaa ee la yidhi waa Heshiis”.
Hadaba walaalayaal, Cidii soo gaadhi karta Washington DC ha ka soo qaybgasho Banaanbaxan loogu hiilinayo Dadka Somaliland jooga ee la cabudhiyey,
ee aan dareenkooda muujin karin, iyo inay Fariin adag u dirto dawladda UAE ee Imaaradka- Fariintaas oo si cad u qeexaysa in Somaliland Bulshadeedu ayna ka Raali ahayn Saldhigaa iyo waxa uu ka turjumayo labadaba, kuna dhiirigalinayso dawladda Abu-Dhabay inay arrinkaa ka noqoto.
Ballanteenu waa iyada oo Rag, Dumar, Waayeel iyo Caruurtuba Banaanbaxan si mug leh uga soo qaybgalaan. Walaalayaal, 2 saacadood aynu u hurno
Hiilka Wadankeenii Hooyo. Somaliland Ha jirto, Bulshada Somaliland ha waarto.


Comments

Popular posts from this blog

Foreign Ministry Spokesperson Mao Ning’s

Aid slow to arrive for people in northern Somalia fleeing Las Anod fighting

Mr. Whizbi You Should Apologize , Sir..!