Somaliland : Cadaaladii SOMALILAND oo Hadana Duntay oo Misana Duntay ..........



Bal waxaad maleysaan CHIEF JUSTICE ROBERTS - ka Maraykanka Maxkamadiisa Sare oo intuu NATIONAL TELEVISION  soo fadhisto qaadaa dhiga Dacwad isaga ku soo socota  , MARAYKAN way casaan lahayd oo wax laga dhigi lahaa maalin cadaalada loo ooyo . 

Gudoomiyaha Maxkamada sare ee SOMALILAND Mr. Adan Xaaji Cali Axmed  oo uu  wareysanayo wariye rug cadaa ihi ayaanu dawaanay  wuxuu ka hadlayaa dacwadii Samafale CabdiMaalik Sheekh Muuse Coldoon waar maandhow dacwada kugu soo socota ee kusoo socota Maxkamada sare ee EEDADAA ku fadhiisisay maxaad uga hadashay  eed ula soo fadhiisatay National Tv-ga Waa duntay tii SOMALILAND ahayd laba Gole Sharci dajin oo DHAMEEL QUUTAYAAL AH iyo MAXKAMAD SARE iyo  CADAALADII oo inan yari jeebka sare ku sito  iyo Madaxtooyadii oo AFAR ISLAMOOD KA ARIMIYAAN , WAA WAREEY …... 

Waxaanu maqlanay inuu Gudoomiyaha maxkamada sare  u olaleynayey Mr. Muse Biixi Cabdi Bristol wadanka  Ingriiska  oo uu lahaa reer Saaxilow meel kale ha qabinana garabkii Mr. Jamaal Cali Xuseen waa inuu kusoo biiraa Xisbiga Kulmiye oo labo cisho ka hor xaflad loo dhigay ,….. hada bal daawo dacalada tii Somaliland ahayd oo niikinaysa  ALLAH-yow u Sahal .

Gudoomiyaha Maxkamada sare wareysiga wuxuu ku bilaabay Samafale CabdiMalik Sheekh Muuse Coldoon wax saxaafad ah oo uu qoray laguma xidhan hada bal jaahilkaa eega professor buu sheegtaa  isla  weedha ku xigta wuxuu odhanayaa cadameyhii lagu hayey ee Video - yada ahaa waar video -yadaasi miyaanay saxaafad ahayn oo Samafale CabdiMalik Musse Coldoon shaqdiisa ugu horeysaba waxay ahayd Video blogging oo ah qayb saxaafada ka mid ah. Hadii aynu raacno Mandiqa ama Logica gudoomiyaha Maxkamada sare Camaaliqada Saxaafada sida Mr. Cabdisalaam Hereri  iyo  Mr. Cagmadhige saxafiyiinba maha waayo badi wax ma qoraan waar ninkow saxafiyiintu waxan ay akhriyayaan waa wax ay qoreen oo ka akhriyayaan meel la yidhaah Auto-cue kay Madaxweynayaashu ka akhriyaana waxa la yidhaa teleprompter markaa Samafale CabdiMalik Sheekh Muuse Coldoon arrin uu qoray oo uu akhriyey  oo  saxaafada ku lug leh ayaa lagu haystaa . Siduu wax ku kicin karaa haadaanu saxaafada adeegsan .

Waa beentii Qodobka qaran dumiska ee ah qodobka 321 iyo 322 ee video-gu cadaynayey waa lagu waayey waxay yidhaahdeen waxa lagu helay qodob ku yaal Dastuurk Soomlaiya oo la sameeyey 1964 oo odhanaya Madaxweyne Ajanbi ah ma tageeri Kartid taana marka Ruuxa Qanuunka la eego Somaliland iyo Somaliya may kala go'in weli waa isku dal qanuunkaas ma qaban karo qof SOMALILAND ah waayo Technically Jaalle Farmajo waa Madaxweynaha Coldoon …… hadaad waali cas la timaadid AADANOW anana waali akhdar ah ayaanu la imaneynaa ….

Tan Ethiopia ee uu ka hadlayo Gudoomiyaha maxkamada sare mar qudha maxakamada Hargeysa Xeer ilaalintu kama hadal . Kan yar Eee halkan ka hadlaya ee Maxkamada sare jooga ee EEDADII Amina Waris Booska u dhiibtay ee ah Mr. Aadan Xaaji Cali Walaalkii oo xildhibaan ka ah Barlamaanka dawlada Federaalka ee Soomaliya oo la yidhaah Cabdalla Xaaji Cali ayaa Xamar ka yimi oo yimid Hargeysa isla Asbuuca la maxkamadeynayo Samafale Coldoon cid xidhay ma jirto bil ku dhawaad ayuu iska joogay kadibna iska noqday , ma QARAN DUMIS ka wayn baa jira in loo ogolado nin Barlamaanka Federaalka Soomaliya Xildhibaan ka ihi Hargeysa iska dhex mushaaxo dadka waxa uu doono ka dhaadhiciyo kadina nabad iskaga noqdo waa maya , Samafale Coldoon EEDO LA'AAN BAA HESHAY . HABLAA LASYKU DHAAFAYE HADANAAN HABARYARTAY KEENIN .

Comments

Popular posts from this blog

Foreign Ministry Spokesperson Mao Ning’s

Aid slow to arrive for people in northern Somalia fleeing Las Anod fighting

Mr. Whizbi You Should Apologize , Sir..!